Kalfadhiga Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta lagu waddaa in uu ka furmo Magaalada Muqdisho.
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka jeedin doona Kalfadhiga Khudbad dastuuri ah, waxaana uu uga hadli doona waxyaabihii u qabsoomay.
Gudoomiyeyaasha baarlamaanada maamul goboleedyadda ayaa lagu casuumay in ay ka qeyb galaan Munaasabadda furitaanka.
Ammaanka qeybo ka mid ah Muqdisho ayaa si weyn loo adkeeyay.
Waxaa xusid mudan in Kalfadhiggaan uu yahay Middkii ugu dambeeyay ee Xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya oo Muddo xileedkoodu ku eg yahay Bisha December ee soo socota.