Xoghayaha Joogtada Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga.Maxamed Cali-Nuur Xaaji, ayaa ku soo dhoweeyay gegidda diyaaradaha Caalamiga ee Aadan Cabdulle ee Muqdisho 128 muwaadin oo laga soo daadgureeyay dalka India kadib markii ay ku xayirnaayeen muddo ku dhowaad labo bilood sababo ku saabsan xanuunka safmarka ah ee Koroona feyrus (COVID-19).
Dadkan ayaa badankood waxa ay ahaayeen ganacsato iyo dad arrimo caafimaad u tegey dalka Hindiya.
Sidoo kale hore ayay dowlada federalka waxa ay dib ugu soo celisay dalka Soomaaliya muwaadiniin ku kala xayirnaa illaa toddobo dal kuwaasoo guud ahaan tiradoodu gaareyso illaa 1,374.
Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Jamhuuriyadda India ee ay madaxda ka tahay Danjire Faaduma Cabdullaahi Maxamuud, ayaa ku soo daadgureysay 128 muwaadin hal duulimaad oo ka soo kicitintay Magaalada Xeydarabaad 6 June.