Madaxweynaha koonfur galbeed oo wali booqasho ku jooga magaalada xudur ee xarunta gobalka bakool ayaa maanta kormeerey dhaawacyada ciidamo dhowaan ku dhaawacmay dagaal ka dhacay duleedka magaalada xudur.
Kormeerka madaxweynaha uu ku tagay isbitaalka waxaa ku wehelinayay wasiiro,xildhibaano iyo taliyaasha ciidamada.
Madaxweynaha oo u kuur galey xaaladooda caafimaad ciidamadda kusoo dhaawacmay dagaalkii ka dhacay duleedka degmadda xudur wuxuuna u balan qaaday in xaaladooda lala socon doono ay heli doonaan daryeel caafimaad.
Sidoo kale Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed C/casiis Xasan Maxamed iyo Wafdigii uu Hogaaminayey ee xalay ku hoyday Degmada Xudur ayaa kulan la qaatay Mas’uuliyiinta Mamulka Gobolka Bakool kan Degmada Xudur iyo Saraakiisha Laamaha Amniga degmadaas.
Kulanka ayaa waxaa looga hadlay dardar gelinta socdaalka Madaxweyne laftagareen ee Gobolka Bakool, xarig jarka mashaariic laga fuliyay degmada Xudur ee Xarunta Gobolka Bakool iyo arrimaha Amniga.
Wasiirka Cadaaladda & Garsoorka Koonfur Galbeed ayaa sheegay in kulanka siwyen looga hadlay xaaladaha kajira Gobolka Bakool, waxyaabaha u baahan in wax laga qabto iyo ka hortagag COVID-19 halka saraakiisha Ciidamada ay ka warbixiyeen xaalada Amni ee gobolka Bakool.
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed C/casiis Xasan Maxamed ayaa la filayaa in saacadaha soo socda uu xariga ka jaro mashaariic kala duwan oo laag hirgeliyay degmadaas.