
Baydhabo-{WMN}-Raโiisul Wasaaraha XFS, Xamse Cabdi Barre ayaa booqday isbitaallada lagu daaweynayo dadkii ku dhaawacmay weerarkii Al-Shabaab ku qaadday hotelka Xayaat ee Muqdisho.
Raโiisul Wasaare Xamse ayaa waxa uu warbixinno ku saabsan xaaladda caafimaad ee dadka dhaawacmay ka dhageystay maamulka iyo dhakhaatiirta isbitaallada Erdogan iyo Madiina.ee magaalada muqdisho
Raโiisul Wasaaraha ayaa sheegay in dhaawacyada culus ee aan dalka wax looga qaban karin ay dowladdu u qaadi doonto waddanka dibeddiisa โ isagoo intaa raaciyay in sidoo kale ay dowladdu qaadeyso bukaanno kale oo istibaallada horey ugu jiray.
Waxa uu ballanqaaday in dowladdu ay isla xisaabtamayso, isla markaana ay qaadayso masuuliyadda wixii dhacay,Hoteel xayaat oo lala xisaabtami doono cid walba oo hawsheeda gudan weysay.
Raโiisul Wasaare Xamse ayaa u mahadceliyay ciidamada Soomaaliyeed ee naftooda u huray inay soo badbaadiyaan shacabka oo uu sheegay inay yihiin mujaahidiin dhab ah
Waxa uu tacsi u diray Dadkii iyo eheladii qoysaska dadkii ku dhintay weerarkaasi, isaga oo Alle uga baryay inuu naxariistiisa janno kawaaraabiyo