Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan Gudoomiyaha Baarlamanka maamulka Jubbaland oo la hadlay warbaahinta ayaa waxaa uu sheegay in wadahadal iyo wadatashi looga gudbi karo marxaladda uu dalka marayo
Guddoomiyaha Baarlamanka Jubbaland ayaa waxaa uu tilmaamay in ay lagama maarmaan tahay in madaxda dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada ay isugu yimaadaan shir deg-deg ah si looga tashado arrimo badan oo ay ugu muhiimsantahay doorashada 2021 oo bilooyin qura ka harsanyihiin.
Gudoomiyaha ayaa bogaadiyay baaqii aqalka sare ee Baarlamanka dalka, kii Safaaradda Mareeykanka iyo warsaxaafadeedyadii kala danbeeyay ee ay qaar badan oo kamid ah dowlad goboleedyada ay taageereen, isagoona sheegay in arrimahaasi muujinayaan sida ay madaxda dowladda xubnaha ka ah dowladda dhexe ay ugu diyaarsanyihiin in laga tashado mustaqbalka iyo horumarka dalka.