Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Itoobiya ayaa Gudoomiyaha Aqalka Sare u doortay nin Soomaali ah, waana Soomaaligii ugu horeeyay oo loo dhaariyo xilkaasi.
Aadan Faarax Ibraahim oo ka soo jeeda Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa gelinkii dambe ee shalay cod aqlabiyad leh loogu doortay inuu noqdo Gudoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Itoobiya.
Aadan Faarax ayaa xilal kala duwan ka soo qabtay Dowlad Deegaanka Soomaalida, isagoo soo noqday Madaxweyne Kuxigeenka Dowlad Deegaanka Soomaalida.
Gudoomiyaha Aadan ayaa bedelaya Keria Ibrahim oo xilkaasi soo heysay tan iyo bishii April ee sanadkii 2018, iskana casishay Isniintii la soo dhaafay.
Gudoomiyaha cusub oo la hadlay BBC ayaa sheegay in macno weyn uu ugu fadhiyo Soomaalida xilka haataan loo doortay, ayna noqoneyso markii ugu horeyso oo nin Soomaali uu xilkaasi ka qabto dalka Itoobiya.
Gudoomiyaha ayaa sidoo kale sheegay in ay guul weyn u soo hooyatay Soomaalida, ka Soomaali ahaana ay miisaan weyn ku leeyihiin dalka Itoobiya.
“Macno weyn buu ugu fadhiyaa Soomaalida Itoobiya, sida la wada ogsoon yahay hadda ka hor jegada ugu sareysa ee Soomaali ahaan Itoobiya ka gaarto wuxuu ahaa Afhayeen Kuxigeenka Golaha Federaalka ee Baarlamaanka. Hadda waxaa la ii dhaariyay Afhayeenka Golaha Federaalka ee Dowladda Federaalka Itoobiya, waa guul u soo hooyatay Soomaali. Ka Soomaali ahaan miisaan weyn baanu ku leenahay Itoobiya.” Ayuu yiri Gudoomiyaha.
Aadan Faarax oo loo doortay Gudoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Itoobiya
previous post