Madaxweynaha Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Cabdi Casiis xasan Maxamed (laftagareen) ayaa ka hadlay heerka waxbarasho ee xilligaan ka jirta deegaano ka tirsan koonfur Galbeed in kastoo Goobaha waxbarashada ay xilligaan xiran yihiin.
Madaxweyne laftagareen waxaa uu sheegay in horaanta Bisha July ee soo socota dib loo furi doono Iskuulada ku yaalla deegaanada Koonfur Galbeed,kuwaas oo loo xiray sababo la xiriira COVID-19, si loo bilaabo qaadista Imtixaanaadka Fasalka Sideedaad.
Ugu dambeyn waxaa uu sheegay meelo kamid ah deegaannada Koonfur Galbeed gaar ahaan degmada Xudur heerkeeda wax barasho ay aad u liidato,balse Koonfur Galbeed ay baaris ku sameyn doonto waxna laga qaban doono.
Madaxweynaha Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Cabdi Casiis xasan Maxamed (laftagareen) ayaa waxaa uu weli ku sugan yahay degmada Xudur ee Xarunta Gobolka Bakool, isaga oo halkaasi ka wada kulamo kala duwan.