Warar warbaahineed ayaa sheegaya in Ururka Xuutiyiinta Yemen uu ogolaaday in maraakiibta Mareykanka iyo kuwa xiriirka la leh Washington ay si nabdoon uga gudbaan marinka istaraatiijiga ah ee Bab al-Mandab, haddii Mareykanku uusan si toos ah uga qaybgelin dagaalka Yemen.
Telefishinka Al Jazeera ayaa sheegay in is-fahamkan lagu gaaray wada-hadallo qarsoodi ah oo labada dhinac ay dabayaaqadii toddobaadkan ku yeesheen magaalada Muscat ee dalka Cumaan, iyadoo Cumaan ay fududeysay wada-hadallada.
Sida ay sheegayaan wararka, heshiiska la sheegay wuxuu dhigaya in maraakiibta ku xiran Mareykanka ay si xor ah uga gudbi karaan Badda Cas iyo marinka Bab al-Mandab, iyadoo Washington looga baahan yahay inay ka fogaato faragelin militari oo toos ah oo ku saabsan colaadda Yemen.
Warbaahinta Mareykanka ayaa sidoo kale sheegtay in Washington ay Xuutiyiinta ka dalbatay in aan la beegsan maraakiibta xiriirka la leh Israel ama dekedaheeda.
Hase yeeshee, Xuutiyiinta ayaa la sheegay inay ku adkeysteen mowqifkooda ku aaddan hawlgallada ay ku sheegaan inay taageero u yihiin shacabka Falastiin.
Sida laga soo xigtay ilo warbaahineed, saraakiil ka tirsan Xuutiyiinta ayaa sheegay in is-fahanka Washington uusan ka dhignayn in la joojiyay hawlgallada ay kooxda ku tilmaanto kuwo lagu taageerayo Falastiiniyiinta, ama in la aqbalay in Israel laga ilaaliyo weerarrada.
Xuutiyiinta ayaa sidoo kale sheegay in maraakiibta ganacsiga caalamiga ah ay isticmaali karaan Badda Cas iyo Bab al-Mandab, iyadoo ay jiraan xaddidaadyo ay kooxda ku dhawaaqday oo la xiriira maraakiibta Sacuudiga.
Dhanka kale, Xafiiska Siyaasadda Xuutiyiinta ayaa Israel ku eedeeyay inay sii waddo weerarro iyo xadgudubyo ka dhan ah heshiisyada xabbad-joojinta Gaza.
Xuutiyiintu waxay ku baaqeen in beesha caalamku wax ka qabato waxa ay ku tilmaameen xadgudubyada Israel, isla markaana la sii wado taageerada qaddiyadda Falastiin.
Muhiimadda Bab al-MandabMarinka Bab al-Mandab waa mid ka mid ah marin-biyoodka ugu muhiimsan ee isku xira Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed, waxaana mara qayb muhiim ah oo ka mid ah ganacsiga caalamiga ah.Haddii is-fahanka la sheegay uu hirgalo, wuxuu saameyn ku yeelan karaa amniga maraakiibta iyo isu-socodka ganacsiga ee Badda Cas.
Si kastaba ha ahaatee, faahfaahinta heshiiska iyo sida uu u shaqeyn doono ayaa weli u baahan xaqiijin rasmi ah oo ka timaadda dhinacyada ay khuseyso.

