
Xuutiyiinta Yemen ayaa sheegay in Sacuudigu 24-kii saac ee la soo dhaafay 54 duqeyn oo dhinaca cirka ah ka fuliyay gudaha Yemen.
Warkan ayaa soo baxay xilli Xuutiyiintu ay si degdeg ah ugu sii fidayeen xeebaha Badda Cas.
Afhayeenka militariga Xuutiyiinta, Yahya Saree, ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in diyaaradaha dagaalka Sacuudiga, oo ay ku jiraan F-15 iyo Typhoon, ay duqeeyeen dhul Yemen ka tirsan.
Sida uu sheegay, duqeymaha ayaa ka dhacay gobollada Taiz, Lahj, Al-Jawf, Marib iyo Xudeyda.Ilaa hadda si madax-bannaan looma xaqiijin tirada duqeymaha iyo goobaha ay ka dhaceen.
