
Wafdi heer sare ah oo uu hoggaaminayo Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya, isla markaana ay wehelinayso Safiirka Soomaaliya ee Kenya, ayaa ka qayb galay Madasha Maalgashiga Bariga Afrika (East Africa Investment Forum).
Ka-qaybgalka Soomaaliya ayaa diiradda lagu saaray soo bandhigista fursadaha maalgashi ee dalka, xoojinta xiriirka ganacsi ee Soomaaliya iyo dalalka gobolka, iyo horumarinta iskaashiga dhaqaale ee Bariga Afrika.
Madashan ayaa sidoo kale fursad u ah Soomaaliya inay la wadaagto maalgashadayaasha iyo daneeyayaasha gobolka fursadaha ka jira dhinacyada ganacsiga, warshadaha iyo maalgashiga, iyadoo la xoojinayo xiriirrada dhaqaale ee dalalka xubnaha ka ah Ururka Bulshada Bariga Afrika (EAC).
Ka-qaybgalka wafdiga Soomaaliya wuxuu qeyb ka yahay dadaallada lagu xoojinayo doorka dalka ee suuqa gobolka, kobcinta ganacsiga iyo dhiirrigelinta maalgashiga gudaha iyo dibadda.

