Warar lagu kalsoonaan karo oo ay aan ka helnay ilo wareedyo muhiim ah ayaa sheegaya in bartamaha todobaadka soo socda Madaxweyne Farmaajo uu socdaal ku tagayo dalka Jabuuti, halkaasoo la filayo inuu uga qeyb galo kulan saddex geesood ah oo dhex mari doona Madaxda Jabuuti, Itoobiya iyo Soomaaliya.
Sida wararku sheegayaan kulankan ayaa la filayaa inuu dhaco Talaadada soo socda, iyadoo uu sidoo kale uu Jabuuti tagi doono Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed.
Waxaa socda qaban qaabada kulan saddex geesood ah oo dhex mari doona Madaxda dalalka Jabuuti, Itoobiya iyo Soomaaliya, waxaana kulankan looga hadlayaa arrimaha Gobolka, iyadoo uu socdo qorshe Jabuuti looga qeyb gelinayo mashruuca uu waday Abiy Ahmed ee is dhex galka dalalka Geeska Afrika.
Sidoo kale warar kale ayaa iyana sheegaya in kulankaas looga faa’ideysanayo in Jabuuti lagu marti qaado Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi, si isata iyo Madaxweyne Farmaajo loo kulansiiy.
Ilo wareedyada ay heshay Jowhar.com ayaa sheegaya in Madaxda Itoobiya iyo Jabuuti ay ka qeyb qaadan doonaan isu keenida ulanka Madaxweyne Farmaajo iyo Muuse Biixi, goobjoogna ka noqon doonaan heshiis lagu wado inay wada saxiixdaan, kaasoo ujeedkiisu yahay in Somaliland dib loogu bilaabo mashaariicdii dowladda Federaalka ka hakisay.
Dhacdooyinkan soo socda ayaa ku soo beegmaya iyadoo Madaxda saddexdan dal ee Jabuuti, Soomaaliya iyo Itoobiya ay xaalado kala duwan oo gudaha dalalkooda wajahayaan, gaar ahaan Soomaaliya oo ku jirta kala guur siyaasadeed, iyadoo Madaxweyne Farmaajo muddo xileedkiisa gabaabsi yahay.
Wararkii u dambeeyay Wada hadalada Soomaaliya iyo Somaliland ee Jabuuti ka dhacaya
Wada hadalada u dhaxeeya Soomaaliya iyo Somaliland ayaa todobaadkan dib uga bilaaban doona dalka Jabuuti, kaddib sanado oo uu hakad ku jiro, waxaana markaan wada hadaladu ay noqon doonaa kuwo ka duwan kuwii hore, marka loo eego wafdiga Miisaanka culus ee dowladda Soomaaliya ku tageyso shirkaas.
Ilo ku dhow dhow Madaxtooyada ayaa sheegaya in Madaxweyne Farmaajo oo ay wehliyaan Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Mursal iyo Ra’iisul Wasaare Kheyre ay shirkaas ka qeyb geli doonaan, halka dhanka Somaliland wafdi culus oo uu hoggaaminayo Madaxweyne Muuse Biixi ka qeyb geli doonaan.
Wada hadaladan waxaa gadaal ka riixaya Mareykanka, Midowga Yurub iyo dowladaha deriska sida Jabuuti iyo Itoobiya, waxaana uu ahaa barnaamij muddo laga soo shaqeynayay oo ku hoos-jira is dhex galka Gobolka Geeska Afrika oo ah sidii bulshada ku dhaqan Geeska Afrika u dhex mari lahaa is dhex gal dhaqan dhaqaale.
Hase ahaatee waxaa su’aalo badan ay ku wareegsan yihiin wada hadalada Soomaaliya iyo Somaliland xilliga uu ku soo aaday, iyo suurta galnimada inuu noqon karo mid si masiiri ah loo wada hadlo, marka laga reebo shirarkii horay u qabteen dowladihii hore oo aan haba yaraatee arrimaha Masiiriga lagu soo qaadin.
Sidoo kale iyana waxaa ay calaamad su’aal dul saaran tahay sida Madaxweyne Farmaajo ugu dhiiran karo go’aamada dhanka masiiriga ah ee lagula xaajoon karo Somaliland, maadaama muddo xileedkiisa gabaabsi ah ay ku soo aaday wada hadaladan.
Si kastaba ha ahaatee waxaa la is weydiiyaa kala guurka siyaasadeed ee ay Soomaaliya gashay iyo culeysyada Madaxweynaha saaran sida uu ugu xallin karo wada hadalka uu la galayo Somaliland, tiiyo ay jirto in Madaxweyne Farmaajo la heshiin la’yahay maamul goboleedyada xubnaha ka ah dowladda Federaalka oo ay muddo sanado ah is maandhaaf siyaasadeed u dhaxeeyo.