Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa la filayaa in Maanta oo isniin ah ay kulan ku yeeshaan Xarunta Villa Hargeysa ee magaalada Muqdisho,kaas oo ay uga hadlayaan Arrimo dhowr ah.
Ajandaha Kulanka Maanta ayaa waxaa uu yahay Akhrinta 2aad ee H/Sharciyeedka Nootaayooyinka,kaas oo horay Xildhibaannada Golaha Shacabka ay u soo marsiiyeen Akhrinta 1aad.
Xildhibaannada Golaha Shacbaka ayaa waxaa xalay loo diray farriimo ku saabsan in Maanta uu jiro Kulanka Golaha,isla markaana ay kasoo qeyb galaan waqtigana ilaaliyaan.
Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa ay hadda ku jiraan kala-fadhiga 7aad ee ugu dambeeya muddo xileedka Baarlamaanka,waxaana horyaalla Shaqooyin dhowr ah.