Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa ay kasoo baxayaan qaraxyo geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ay Maanta ka dhaceen duleedka degaanka Leego ee Gobolka Shabeellaha Hoose.
Qaraxyadaan oo ahaa miinaca nooca dhulka lagu Aaso ah ayaa waxaa la sheegay in lala eegtay Gaadiid ay wateen Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya iyo kuwo Mareykan ah oo ku wajahnaa degaanka leego.
Dadka degaanka ayaa waxaa ay Warbaahinta u sheegeen inay maqlayeen dhawa jugta qaraxyada iyo rasaas xoogan oo ka dambeyay,hayeeshee aysan cadeyn karin khasaaraha ka dhashay maadaama Goobta aan loo dhawan karin.
Al-Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyada qaraxyadaas,waxaana baraha internet-ka ee taageera lagu daabacay inay qaraxyadaasi la beegsadeen Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda ee sida gaarka ah u tababaran ee Bangaraafta iyo kuwa Mareykan ah,isla markaana ay khasaaro ku gaarsiiyeen.
Saraakiisha Ciidamada Dowladda Soomaaliya ee Gobolka Shabeellaha Hoose weli kama hadlin qaraxyadaas,Wararkii ugu dambeeyay ee na soo gaaraya ay sheegayaan in xaalada ay degan tahay,isla markaana Ciidamada Dowladda iyo kuwa Mareykanka ay socdaalkooda iska sii wateen.