Shariif Xasan Sheekh Aadan, Madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed ayaa ka hadlay qaraxyadii mataanaha ahaa ee caweyskii ka dhacay Degmada Wanlaweyn ee Gobolka Shabellaha Hoose.
Madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed ayaa cambaareeyay falkaasi, oo uu dusha kaga tuuray mintidiinta Ururka Al Shabaab, isagoo dhanka kalana kaga tacsiyadeeyay qoysaska ku waayay kuwii ay jeclaayeen.
“Waxaan cambaareynaya, kana tacsiyeynayaa weerarka qaraxyada ee kooxda argagixisada Al Shabaab ka geysteen Degmada Wanlaweyn ee Gobolka Shabellada Hoose.” Ayuu yiri Shariif Xasan Sheekh Aadan.
Shariif Xasan Sheekh Aadan, Gudoomiyaha Xisbiga Horusocod Qaran ayaa sheegay in uu xogta ku hayo in dadka qaraxyadaasi lagu dilay ay ku jiraan dad aan waxba galabsan, oo buu yiri carruur u badan.
“Waxaa la ii sheegay in ay ku naf waayeen dad aan waxba galabsan oo carruur u badan. Waxaan leeyahay intii ku dhimatay Allaha u naxariisto, intii ku dhaawacantayna Allaha u booga-dhayo.” Ayuu yiri Gudoomiyaha Xisbiga Horusocod Qaran.
Madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed ayaa laamaha ammaanka ugu baaqay inay gacanta ku soo dhigaan kuwii ka dambeeyay qaraxyadaasi, isla-markaana ay sharciga horkeenaan.
Maxamed Cabdulle Xasan, Taliyaha Saldhiga Booliska ee Degmada Wanlaweyn ayaa sheegay in qaraxyada ka dib baaritaano ay sameeyeen inay ku soo qab qabteen xubno lala xiriirinayo Ururka Al Shabaab.
Taliyaha oo la hadlay Warbaahinta gudaha ayaa iftiimiyay in ay haataan ku hawlan yihiin baaritaanka xubnahaasi, wixii natiijo ahna ay dib Warbaahinta ugala soo wadaagi doonaan.
Waxaan jirin cid sheegatay masuuliyadda qaraxyadii gilgilay Degmada Wanlaweyn, ha yeeshee waxaa si dhow loola xiriirinaya Ururka Al Shabaab.