Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab ayaa waxaa la sheegay in saaka waaberigii waxaa ay weerar ismiidaamin ah kuq aadeen Saldhiga Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda ku leeyihiin degaanka Bacaadweyn ee Gobolka Mudug.
Wararka la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in Gaari nooca Soomaalida u taqaano leyla Calaawi oo lagas oo buuxiyey wayaabah qarxa lagu weeraray Saldhiga Ciidamo ka tirsan Taliska qeybta 21aad ee degaanka Bacaadwyn,waxaana weerarkaasi ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Xubno ka tirsan Wasaaradda Amniga Galmudug oo aan la xiriirnay ayaa waxaa ay sheegeen inay ka hortageen Gaariga laga soo buuxiyay waxyaabah qarxa oo ay Al-Shabaab ku weerareen Saldhiga Ciidamada ,isla markaana Gantaal lagu dhuftay gaariga ay ku geeriyoodeen dhamaan Xubnihii ka tirsanaa Al-Shabaab ee saarnaa.
Sidoo kale Masโuuliyiintaan waxaa ay sheegeen in weerarkaasi ismiidaaminta ahaa ay ku geeriyoodeen laba askari oo ka tirsana askarta dowladda,waxaana kordhi kara khasaaraha ka dhashay weerarkaasi ismiidaaminta ahaa.
Guddoomiyaha degaanka Bacaadweyn ee Gobolka Mudug Axmed Daahir Macalin ayaa dhankisa waxaa uu sheegay in xaalada degaanka saaka ay tahay mid degan,isla markaana Ciidamada Dowladda ay wadan howlgallo kala duwan.