Saraakiisha Jubbaland oo abaabul dagaal ka wada deegaanka Baar sanguuni ee gobolka Jubada Hoose.
Taliyaha guud ee ciidamada Jubbaland Ganeraal Qoojaar aya waxaa uu abaabul dagaal oo ka dhan ah Al-Shabaab uu ka bilaabay deegaanka Baar sanguuni ee gobolka Jubbada Hoose.
U jeedka abaabulkan ayaa waxaa uu yahay sidii Al-Shabaab looga saari lahaa deegaano ka tirsan gobolka Jubada Hoose, iyadoona saraakiil uu hoggaaminayo taliyaha ay tageen saldhigyada ay ciidamada Jubaland ku leeyihiin deegaankaasi.
Taliyaha guud ee ciidamada Jubbaland ayaa waxaa uu sheegay in sababta ay halkan u yimaadeen ay tahay sidii loo xoojin lahaa howlgalada ka dhanka Al-Shabab ah.