Beesha Carab Soomaali oo Muqdisho ku qabatay kulan ay ku raadsanayso matalaadooda gobolka Banaadir written by Admin 03/07/2020 Beesha Carab Soomaali oo kamid ah beelaha Soomaaliyeed ayaa kulan ay magaalada Muqdisho ku qabteen waxay kaga arrinsadeen sidii beeshu u raadsan lahayd xuquuqda siyaasadeed ee kaga maqan dowladda federalka iyo maamulada.Kulankaan oo ay soo qaban qaabiyeen hoggaanka dhaqanka ee Beesha islamarkaana ay ka qeyb galeen qeybaha kala duwan ee bulshada waxay beeshu kusoo dhoweysay insixinta barlamaanka Soomaaliya uu ansixiyay kuraasta aqalka sare ee matalaada gobolka Banaadir.War-murtiyeed lagasoo saaray kulanka ayaa barlamaanka looga mahad celiyay inay ka jawaabeen codsigii madaxweynaha Soomaaliya ee ahaa in gobolka Banaadir uu ka helo aqalka sare matalaad dhab ah.Beesha waxay ku baaqday in si cadaalad ah loo qeybiyo 13-ka kursi islamarkaana ay xuquuqdooda matalaad helaan beelaha ku dulman aqalka sare oo ay kamid tahay beesha Carab Soomaali.Beesha waxay madaxda dalka iyo guddoonka labada aqal ka codsadeen inay si dhow ula socdaan xuquuqsiinta beelaha haatan ku dulman matalaada siyaasadeed ee gobolka Banaadir.Waxay farriin gaar ah udireen guddoomiyaha gobolka Banaadir iyagoo sheegay inay tabanayaan xuquuq badan oo kaga maqan gobolka, haday ahaan lahayd degmooyinka gobolka iyo agaasimayaasha. Waxay sidoo kale beesha ka codsatay madaxweynaha Soomaaliya iyo raysal wasaaraha in lasoo celiyo xuquuqdoodii golaha fulinta.Xildhibaan Cabdicasiis Salaax Carmaan oo kamid ah xildhibaanada beesha Carab Soomaali ku matala aqalka hoose oo kulanka uga qeyb galay qadka taleefoonka, ayaa taageeray mowqifka beesha ee raadinta xuquuqda siyaasadeed ee ka maqan, wuxuuna madaxweynaha iyo golaha shacabka uga mahad celiyay in ay ku guulaysteen in Muqdisho matalaad hesho.Xildhibaan Carmaan wuxuu sheegay in ay beeshiisu xaq uleedahay in ay wax ka hesho kuraasta aqalka sare ee gobolka Banaadir . Beesha Carab Soomaali oo Muqdisho ku qabatay kulan ay ku raadsanayso matalaadooda gobolka Banaadir was last modified: July 3rd, 2020 by Admin 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Illaa Afartameeyo Kuraasta Baarlamaanka oo is bedel lagu sameeyay deegaan doorashadooda (Akhriso) next post Xasan Sheekh oo walaac ka muujiyay Xaaladda doorashooyinka dalka You may also like Dood wadaag ku saabsan sidee Hooyada naasnuujin iyo shaqo isku wadi kartaa? 07/08/2023 Joe Biden Oo La Saadaalinayo In Xayiraadaha Uu Ka Qaado Dalal Ay Ku Jirto Somalia 08/11/2020 Taliyha ciidanka dhulka oo jawaab ka bixiye hadalkii ka soo yeeray kooxda Al-Shabaab 19/09/2022 Akhriso:-Xasan Sheekh Maxamud oo kulan la leh Xildhibaanada iyo Waxgaradka Beeshiisa 12/09/2018 Maxay Ka Wada Hadleen Ra’iisul Wasaare Rooble Iyo James Swan? 26/10/2020 Akhriso:-weerar ka dhacay Beled-doogle 30/09/2019 Abiy Axmed oo Imaaraadka kala shiray Arrimaha dekadda Berbera 02/02/2022 Xildhibaan Mustaf Dhuxulow oo afur u sameeyey Wariyaashii lacagaha u aruuriyey xiddigaha 17-jirada Somalia 28/05/2018 Baarlamaanka Labada aqal oo manta si adag kaga doodaya wax ka bedelka Dastuurka 20/03/2024 Hindiya oo sheegtay in gantaal uga baxsaday dhanka Pakistan si khaldan 12/03/2022 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.