Hindiya ayaa Jimcihii xaqiijisay “gantaal shil ah oo ay ku ridday” Pakistan oo ay xafiiltamaan, waxayna ku tilmaantay “mid laga xumaado.”
Xaqiijinta ayaa imanaysa in ka badan hal maalin kadib markii millatariga Pakistan uu sheegay in gantaal “Supersonic aan hubaysnayn” oo Hindi ah uu ku dhacay dhulkooda fiidnimadii Arbacada, kaas oo waxyeelo u gaystay hanti dad rayid ah balse ma uusan geysan wax khasaare ah nafeed ah.
Saraakiisha Pakistan waxay New Delhi ka dalbadeen sharaxaad ku saabsan falka “mas’uuliyadda darrada ah” ee khatar gelin kara amniga gobolka.
War rasmi ah oo ka soo baxay Hindiya ayaa lagu sheegay Jimcihii in “inta lagu jiro dayactirka caadiga ah, cilad farsamo ay keentay in si lama filaan ah loo rido gantaal.” Waxay xustay in dawladda Hindiya ay qaadatay “aragti dhab ah oo ay amartay in baaritaan heer sare ah” lagu sameeyo dhacdada.
“Waxaa la ogaaday in gantaalku uu ku dhacay meel ka mid ah Pakistan,” ayaa lagu yiri bayaanka. “In kasta oo ay dhacdadu tahay mid aad looga xumaado, haddana waa arrin nafis ah in aysan jirin wax khasaare ah oo [nafta] ka dhashay shilka.”
Afhayeenka ciidamada Pakistan Maj-Gen Babar Iftikhar ayaa shir jaraa’id oo uu qabtay goor dambe oo Khamiis ah si rasmi ah ugaga hadlay shilkan, isagoo ku tilmaamay “xadgudub” isagoo sheegay in gantaalku uu ku dhacay magaalada Mian Channu ee gobolka xuduudka bari ee Punjab.