Beesha Carab Soomaali oo Muqdisho ku qabatay kulan ay ku raadsanayso matalaadooda gobolka Banaadir written by Admin 03/07/2020 Beesha Carab Soomaali oo kamid ah beelaha Soomaaliyeed ayaa kulan ay magaalada Muqdisho ku qabteen waxay kaga arrinsadeen sidii beeshu u raadsan lahayd xuquuqda siyaasadeed ee kaga maqan dowladda federalka iyo maamulada.Kulankaan oo ay soo qaban qaabiyeen hoggaanka dhaqanka ee Beesha islamarkaana ay ka qeyb galeen qeybaha kala duwan ee bulshada waxay beeshu kusoo dhoweysay insixinta barlamaanka Soomaaliya uu ansixiyay kuraasta aqalka sare ee matalaada gobolka Banaadir.War-murtiyeed lagasoo saaray kulanka ayaa barlamaanka looga mahad celiyay inay ka jawaabeen codsigii madaxweynaha Soomaaliya ee ahaa in gobolka Banaadir uu ka helo aqalka sare matalaad dhab ah.Beesha waxay ku baaqday in si cadaalad ah loo qeybiyo 13-ka kursi islamarkaana ay xuquuqdooda matalaad helaan beelaha ku dulman aqalka sare oo ay kamid tahay beesha Carab Soomaali.Beesha waxay madaxda dalka iyo guddoonka labada aqal ka codsadeen inay si dhow ula socdaan xuquuqsiinta beelaha haatan ku dulman matalaada siyaasadeed ee gobolka Banaadir.Waxay farriin gaar ah udireen guddoomiyaha gobolka Banaadir iyagoo sheegay inay tabanayaan xuquuq badan oo kaga maqan gobolka, haday ahaan lahayd degmooyinka gobolka iyo agaasimayaasha. Waxay sidoo kale beesha ka codsatay madaxweynaha Soomaaliya iyo raysal wasaaraha in lasoo celiyo xuquuqdoodii golaha fulinta.Xildhibaan Cabdicasiis Salaax Carmaan oo kamid ah xildhibaanada beesha Carab Soomaali ku matala aqalka hoose oo kulanka uga qeyb galay qadka taleefoonka, ayaa taageeray mowqifka beesha ee raadinta xuquuqda siyaasadeed ee ka maqan, wuxuuna madaxweynaha iyo golaha shacabka uga mahad celiyay in ay ku guulaysteen in Muqdisho matalaad hesho.Xildhibaan Carmaan wuxuu sheegay in ay beeshiisu xaq uleedahay in ay wax ka hesho kuraasta aqalka sare ee gobolka Banaadir . Beesha Carab Soomaali oo Muqdisho ku qabatay kulan ay ku raadsanayso matalaadooda gobolka Banaadir was last modified: July 3rd, 2020 by Admin 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Illaa Afartameeyo Kuraasta Baarlamaanka oo is bedel lagu sameeyay deegaan doorashadooda (Akhriso) next post Xasan Sheekh oo walaac ka muujiyay Xaaladda doorashooyinka dalka You may also like Dhageyso: Barnaamijka Kulanka Warsan 03/02/2024 Dhageyso:-Warka Fiidnimo ee Idaacada Warsan 30/09/2020 Dhageyso Warka Galab ee Idaacada Warsan 28/05/2020 Wafdigii ugu horeeyey ee Imaaraati ah oo booqday Israel 22/10/2020 DHAGEEYSO:-WARKA HABEEN EE IDAACADA WARSAN 08/08/2017 Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka General Odowaa oo ka badbaaday qarax ismiidaamineed 13/07/2020 Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo gaaray Cadaado 18/07/2020 Laamaha Amniga oo Muqdisho ka bilaabay raadinta Hooyo & Wiilasheeda oo dilay Aabihii qoyska 10/02/2024 Wararkii ugu danbeeyay Ololaha Doorashada Mareykanka Oo meel xasaasi mareysa 01/11/2020 Dhageyso:-Warka Galab ee Idaacada Warsan 16/11/2020 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.