Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Hidaha Iyo Tacliinta Sare ee Koonfur Galbeed Mudane Mohamed Yuusuf Hassan (Waliid ) ayaa waxaa uu Safar Ku Tagay Degaanka Owdiinle ee Gobalka Baay Waxaana, uu Booqday Iskuulka Waxbarshada Degaanka Owdiile kaasi oo ay Dhigtaan inta badan ardeyda u baahan waxbarashada maadiga ah.
Wasiir Mohamed Yuusuf Hassan (Waliid ). ayaa Iskuulka Ku soo Dhaweeyay Maamulka iyo Ardayda Waxaana uu La Sameeyey Xog-Waraysi Ku Saabsan Habsami usocodka Waxbarshada Waxaa uuna Ku Wareejiyay Agabka Waxbarashada iyo Bugaagta Manhajka cusub ee dugsiga hoose iyo dhaxe oo ah markii ugu horeysey oo lagaarsiyo manhajka cusub ee soo saartey Wasaarada waxbarashada Hidaha Iyo Tacliinta Sare ee Dowlada Faderaalka Soomaaliya.
Maamulka iskuulka waxbarashada Degaanka Owdiinle ee gobolka baay ayaa ugu horeen wasiirka waxaa ay warbixin kooban ay ka siyeen baahiyaha iskuulka iyo waxyaabaha ay u baahan yihiin ardeyda, waxaana uu tilmaamey in ay soo dhaweynayaan markii ugu horeysey ee wasaarada waxbarashada KG ay soo gaarto degaanka ay soo gaarsiiso bugaagtii manhajka cusub ee dugsiyada hoose iyo dhaxe.
Wasiir Mohamed Yuusuf Hassan ayaa Dhiiragaliyay Bahda Waxbarashada Degaanka waxaana uu Xusey in Wasaarada Waxbarasha mar weliba ay ka Go’antahay Horumarinta ,Tayaynta, iyo Kor`uqaadista nidaamka Tacliinta Degaanka Owdiinle Sidoo Kale Waxaa uu Sheegay in Qorashaha Wasaarada ay ku jirto Gaarsiinta Iskuulo Wax lagu Barto Degaanada Qaar Ee Xilgan Ka Jira Baahiyaha Dhanka Waxbarshada iyo Degmooyinka kale ee katirsan Gobolada Koonfur Galbeed.
Safarkaani waxaa wasiirka ku wehlinayeen Xildhibaano, wasiiro iyo sarakiil ciidan oo ay ka tirsanayeen Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed uljeeda safarkooda ayaa waxaa uu ku saabsanaa sidii ay u soo ogaan lahayeen xaalada Degaanka iyo wax yaabaha ay u baahan yihiin shacabka iyo ciidamada ku sugan Degaankaasi.