Wabiga Shabeelle ayaa fatahaad ka geystay deegaanno ka tirsan gobolka Shabeellah hoose, gaar ahaan degmada Afgooye iyo deegaano hoos taga.
Biyaha webiga ayaa gudaha u galay xaafadaha qaar ee degmada ku dhowaad 1500 guri ayaa reerihii deganaa isaga baxeen, kadib markii biyugu galeen,
Webiga ayaa sidoo kale goobaha uu fatahaadda ka sameyey waxaana ka mid ah sida weyna loogaa barakacay deegannada Basra, Sabiid, Caanoole,Deg-Wariiri iyo qaar kale, oo ka tirsan gobolka.
ilaa iyo hadda lama soo sheegin wax khasaare nafeed ah oo ka dhashay fatahaadda webiga, laakiin dadka shacabka ayaa muujinayo baqdin ku aadan in fataahaddu gaadho goobo kale.