Madaxweynaha Dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa dib ugu laabtay magaalada Dhuusamareeb ee xarunta dowlad goboleedka Puntland.
Siciid Deni Madaxweynaha Puntland ayaa waxaa garoonka ku soo dhaweeyay madax ka tirsan Dowlad goboleedka Galmudug.
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland ayaa ka qeybgalaya shirka Madaxda Dowlad goboleedyada iyo Dowlada Federalka lagu wado inuu ka furmo magaalada Dhuusamareeb.
Madaxweynaha Puntland Siciid Deni ayaa ka qeybgalay aaska Raβiisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Abshir Faarax,waxana uu ka qeybgalay shalay shir ay isugu yimaadeen ergooyin ka socday xisbiga KAAH iyadoo Madaxweyne Deni loo doortay guddoomiyaha xisbiga Kaah.