Guddoomiyaha xilligaan ee ururka midawga Afrika Cyril Ramaphosa ayaa iskugu yeeray madaxda dalalka Afrika qaarkood si xal loogu helo muranka ka dhashay dhismaha biyo xireenka wabiga Nile.
Cyril Ramaphosa waxaa uu sheegay inuu kulan madaxeed deg deg ah uu ugu yeeray madaxda dowladaha uu muranka ka dhaxeeyo ee Itoobiya, Masar iyo Sudan.
Sidoo kale madaxda dalalka Kenya, Mali iyo Koongada dimoqraadiga iyo wakiilo ka socda Qaramada Midoobey, Maraykanka Bangiga iyo Midawga Yurub ayaa ka qeyb ka galaya kulankaan ka qeyb galaya.
Guddoomiyaha midawga Afrika waxaa uu sheegay in ujeedka kulankaan gaarka ah uu yahay in xal loo helo muranka ka dhashay biyo xireenka ay dawlada Itoobiya ka dhisayso xaduuda ay la wadaagto dalka Masar, taas oo ay ku sheegtay inay doonayso inay faa’idayso malaayiin ruux oo dadkeeda faqriga ah.
Dowladaha Masar iyo Sudan ayaa ka biyo diidsan go’anka Itoobiya, waxaana dhawr jeer fashilmay dhawr wareeg oo wada hadal ahaa la iskugu keenay dhinacyo dawladahaan ka socday.