Wasiirka Wasaarada Warfaafinta Iyo Wacyigelinta Bulshada Koonfur Galbeed Soomaaliya Ilyaas Saciid Cali “Qalinle” Iyo Lataliyaha Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya Dhanka Haweenka Aamina Eelaay Ayaa Kulan Isbarasho Ah La Yeeshay Abwaaniinta Iyo Fanaaniinta Koonfur Galbeed Soomaaliya, Wuxuuna Wasiirka Kula Dardaarmay Inay Bulshada Koonfur Galbeed Wacyigeliyaan Isla Markaana Soo Celiyaan Qaabkii Faneed Ee Ummadda Loogu Sameyn Jiray Hanuuninta Iyo Hoga tusaaleynta.
Kulankan Oo Saacado Badan Qaatay Ay Iskula Lafa Gureen Wasiirka Iyo Bahda Fanaaniinta Ee Koonfur Galbeed Qaabka Ugu Haboon Ee Bulshada Looga Wacyigelin Karo Falalka Guracan Sida Marin Habaabinta Kooxaha Nabadiidka Iyo Argagixisada Isla Markaana Loogu Beeri Lahaa Wadan Jaceyl, Nabad Jaceyl Iyo Inay Naftooda Iyo Bulshadooda Anfacaan.