Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ah Guddoomiyaha Xisbiga UPD oo ka mid ah Madasha Xisbiyada Qaran ayaa ka hadlay kulan ay uu la yeeshay shalay Taliyaha NISA Fahad Yaasiin.
Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa qoraal uu soo dhigey bartiisa Twitterka waxa uu ku sheegay in kulankaasi uusan Siyaasad ku saabsaneyn, islamarkaana ay ka wada hadleen arrimo ka baxsan Siyaasadda dalka.
“Kulankii aniga iyo Fahad Yasiin nagu dhaxmaray hooygeyga shalay ma ahayn kulan siyaasadeed.” ayuu yiri Xasan Sheekh ku daabacay Twiterkiisa.
Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku tilmaammay kulanka uu la yeeshay Fahad Yaasiin inuu ahaa booqasho salaan ah. Maadaam uu oday Soomaaliyeed yahayna qof kasta oo soo gasho gurigiisa la xushmeynayo mar kasta.
Kulankan ayaa yimid xilli marxalad xasaasi ah ay marayso siyaasadda dalka Soomaalya waxana maalmihii la soo dhaafay ka socday magaalada Muqdisho kulamo gaar gaar ah oo ku saabsan siyaasada dalka.