Wafdi uu hoggaaminayo Gudoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Somaliya, Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa maanta gaaray Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Maamulka Galmudug.
Wafdiga Gudoomiyaha Aqalka Sare ayaa waxaa Garoonka Ugaas Nuur ee Magaalada Dhuusamareeb ku soo dhaweeyay Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug, Maxamed Nuur Gacal, Wasiiro, Xildhibaano iyo qaybaha bulshada.
Gudoomiyaha Aqalka Sare iyo xubnaha wehlinaya ayaa Magaalada Dhuusamareeb u tagay ka qaybgalka furitaanka Kalfadhiga 2aad ee Baarlamaanka Galmudug.
Baarlamaanka Labaad Galmudug ayaa horaantii sanadkan lagu soo dhisay Magaalada Dhuusamareeb, iyadoo 17-kii bishii January doortay Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo Kuxigeenadiisa, halka 2-dii bishii Febuary ay soo doorteen Madaxweynaha iyo Madaxweyne Kuxigeenka.