Sii Hayaha Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha, Mahdi Maxamed Guuleed ayaa la kulmay Agaasimayaasha Guud ee Wasaaradaha Xukuumadda Somaliya.
Kulanka oo salka ku hayay dardargelin shaqooyinka dowladda iyo is-xog wareysi guud ayaa intii uu socday waxuu Mahdi Maxamed Guuleed ammaanay dowrka Agaasimayaasha Guud ay ku leeyihiin socodsiinta shaqooyinka qaranka.
Kusimaha Ra’iisal Wasaaraha ayaa caddeeyay in guul laga gaaray arrimaha amniga, bulshada, dhaqaalaha iyo siyaasadda loo dhanyahay, ayna horumuud u ahaayeen Agaasimayaasha Guud iyo shaqaalaha dowladda, wuxuuna kula dardaarmay inaysan halkaa ku ekeysan ee ay sii dardar geliyaan shaqooyinka si loo gaaro horumarka la hiigsanayo.