Ra’iisul wasaaraha dalka Japan Shinzo Abe ayaa isu casilayo sababo la xiriira xaaladdiisa caafimaad sida ay sheegtay warbaahinta gudaha.
Ra’isul wasaaraha ayaa muddo sanada ah la xanuunsanaa gaaska caloosha balse waxaa la aaminsan yahay in xaaladdiisa ay ka sii dartay maalmihii dambe.
Warbaahinta dowladda NHK ayaa sheegtay, in Mr Abe uu doonayay inuusan rabin in dowladdisa usan la rabin dhibaato.
Bilowgii toddobaadkan, waxaa uu noqday raysal wasaarihii ugu muddada dheera dalkaasi Japan kaddib markii uu xafiiska la wareegay sannadkii 2012-kii.
Ra’isul wasaaraha ayaa waxa uu xanuunkan oo ku dhacaca mindhicirka weyn ka cabanayay tan iyo yaraantiisii.
Laba goor ayaa isbitaal booqday toddobaad gudihii waxayna taasi keentay in su’aal la geliyo xaaladda caafimaad ee Mr Abe. Ma uusan shaacin sababta uu isbitaalka u booqday, balse waxaa jira warar sheegaya in isbitaalka uu ku jiray muddo 8 saacadood ah.
Muddo xileedkisa ayaa waxa uu ku ekaa sannadka 2021-ka. Saraakiisha xisbigiisa LDP ayaa markii hore gaahsanka ku dhuftay is casilaadda Abe iyagoo ku doodayay in xaaladda caafimaad ee raysal wasaaraha ay wanaagsan tahay.
Haddii uu is casilo waxay horseedeysaa in xisbiga talada haya ay cod u qaadaan cidda la wareegeysa xilkiisa. Doorashadan ayaa waxaa xigi doona codka baarlamaanka oo dooran doona raysal wasaaraha xiga. Qofka guuleysta ayaa jagadaasi sii hayn doona ilaa bisha September ee 2021-ka.