Wakiilka Xoghayaha Guud ee QM ee Soomaaliya, James Swan, ayaa maanta kulan dhinacyo badan taabanaya la yeeshay Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, General Cabdi Xassan Maxamed.
Kulanka ayaa Arimaha uga wada hadleen waxaa kamid ah, isku duwidda taageerada saaxiibada Soomaaliya, iskaashiga dhanka ammaanka iyo qorshaha ammaan ee doorashooyinka soo socda.
Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya James Swan ayaa balan qaaday inay taageero horleh siinayaa dowladda Soomaaliya gaar ahaan Booliska oo maalin dhanka Amniga ah ka qaata Soomaaliya.
Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, General Cabdi Xassan Maxamed ayaa dhankiisa uga mahad celiyay Hayβadaha kala duwan ee Qaramada Midoobay taageerada ay had iyo jeer siiyaan Soomaaliya.
Hayβadaha kala duwan ee Qaramada midoobay ayaa waxaa ay Soomaaliya siiyaan taageero kala duwan, sida Amniga dhaqaalaha iyo Arrimo la xiriira caawinta dadka barakacayaasha ah