Inta badan goobaha dadku ku kulmaan dalka Ingiriiska ayaa mar kale la xiray, ayadoo laga cabsi qabo faafitaanka xanuunka Coronavirus oo dalkaas si baβan ugu faafaya xilligaan.
War kasoo baxay xafiiska raβiisul wasaaraha ayaa lagu sheegay in bandawgii lagu soo celiyay dhawr magaalo oo Ingiriiska ku yaala si loo yareeyo halista xanuunka karoona.
Waxaa la amray in xiro maqaayadaha iyo goobaha kale ee bulshaddu iskugu timaado.
Wasiiru dawlaha xafiiska raβiisul wasaaraha Ingiriiska Mikel Gove ayaa sheegay in goβaankaan uu yahay mid golaha wasiiradu isku raaceen waxaana maanta gelinka dambe ka hadli doona r/wasaare Boris Johson.
Ingiriiska maalmihii ugu dambeeyay dadkii ugu badnaa ayaa xanuunka Karoona qaaday waxaana hawlwadeenada caafimaadku sheegeen inay halis ku jiraan 50 roo ruux inay xanuunkaan qaadaan haddii aan tillaabo la qaadin.