Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish), Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho ayaa ku amray Gudoomiye-yaasha Degmooyinka inay xaqiijiyaan amniga.
Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa shir guddoomiyay Shirka Toddobaadlaha ee Maamulka Gobolka Banaadir iyo Gudoomiye-yaasha Degmooyinka Gobolka, waxaana toddobaadkan diiradda lagu saaray arrimaha ammaanka, canshuuraha iyo nadaafadda.
Kulanka oo sidoo kale ay ka qaybgaleen Gudoomiye Kuxigeenada Maamulka Gobolka iyo Taliyaha Qaybta Booliska ee Gobolka Banaadir, Saadaq Cumar Xasan ayaa si dhow loogu lafa-guray amniga.
Duqa Magaalada Muqdisho ayaa markale Gudoomiye-yaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir faray inay ka shaqeeyaan xoojinta amniga.
Amarkan waxa uu imaanaya, iyadoo dalku uu wajahayo marxalad kala guur ah, lagana baqayo inay Caasimadda Muqdisho ka dhacaan falal liddi ku ah amniga.
General Cabdiraxmaan Maxamed Tuuryare, Taliyihii hore ee Hay’adda Nabad Suggida & Sirdoonka Qaranka (NISA) ayaa sheegay in Shabaabka looga bartay inay weerarada kordhiyaan, xilliga doorashooyinka.