Al-Shabaab ayaa sii deysay labo dhaqtar oo u dhashay dalka Cuba, kuwaas oo ay sanadkii hore ka afduubteen magaalada Mandera, gobolka Waqooyi-bari Kenya.
Sida laga soo xigtay wakaaladda wararka ee AP, dhaqaatiirta ayaa lasii daayay dhammaadkii toddobaadkii hore, kaddib bilooyin wada xaajood lagula jiray kooxda.
Dhaqaatiirtan oo lagu kala magacaabo Landy Rodriguez iyo Herera Correa ayaa afduub loo heystay muddo sanad iyo bar ah.
Wakaaladda AP ayaa sheegtay in sarkaal Soomaali ah uu codsi uu ka helay dowladda Cuba, isagoo wada xaajood ka galay sii deynta dhaqaatiirta.
Wasiirka arrimaha dibadda Cuba Bruno Rodriguez ayaa bartiisa Twitter-ka qoraal uu ku soo qoray ku sheegay in labada dhakhtar lasii daayay, isagoo dowladda Soomaaliya-na u mahad celiyay.
Weli ma cadda halka haatan lagu hayo dhaqaatiirta siideyntooda kadib, sidoo kale waxaa la aaminsanyahay in lagu sii daayey madax-furasho, balse weli lama oga cadadka madax-furashadaas.