Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha Marwo Xaniifa Maxamed Ibraahim ayaa kulan habka muuqaalka ah oo is barasho ah la qaadatay danjirayaasha safaaradaha Midowga Yurub, Sweden, Denmark, Norway, Netherlands iyo Canada.
Wadahadallada ayaa diiradda lagu saaray qorshayaasha horutabinta u leh ee ay Wasiirku ku doonayso inay wax kaga qabato horumarinta Xuquuqda Aadanaha iyo Arrimaha Haweenka.
Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha ayaa wado qorshe lagu doonayo in sare loogu qaado horumarinta Xuquuqda Aadanaha, iyadoo la kaashaneyso dalalka taageera arrimaha Soomaaliya