Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa caawa magacaabay xubnaha maamulaya doorashada kuraasta xildhibaanada baarlamaanka ee beelaha Banaadiriga.
Xubnaha uu caawa magacaabay Rooble ayaa ka kooban 11-qof, waxaana loo xil saaray inay qabtaan doorashada xildhibaanada beelaha Banaadiriga ka imaanaya, taas oo ka dhaceysa magaalada Muqdisho.
“Doorashada xildhibaanada Banaadiriga waxaa lagu qabanayaa magaalada Muqdisho, waxaana maamulaya guddiga ku xusan warqadan. Guddiga ku xusan warqadan waxa uu maamulayaa kaliya doorashada xildhibaanada banaadiriga qeybta lagu dooranayo magaalada Muqdisho” ayaa lagu yiri warqadda lagu magacaabay xubnahaas.