Khamiis, Feberaayo, 06, 2020 (HOL)- Dowlad goboleedka Puntland ayaa amar kusoo saaray in albaabada loo laabo xafiiska guddiga qaran ee doorashooyinka Soomaaliya uu ku lahaa magaalada Garowe ee caasimadda Puntland.
Warqad kasoo baxday wasaaradda arrimaha gudaha Puntland, ayaa lagu faray guddoomiyaha gobolka Nugaal in laga bilaabo maanta albaabada uu ulaabo xafiiska guddiga doorashada.
Waxaa kaloo guddoomiyayaasha gobolada iyo degmooyinka Puntland lagu amray in guddiga doorashada Soomaaliya uusan wax shaqo ah ka qaban Karin degaanada Puntland.
Lama sheegin sababta ka dambeysa in la xiro xafiiska guddiga doorashada.
Hase yeeshee, go’aanka kasoo baxay Puntland, ayaa kusoo aadaya kadib markii dhawaan guddiga doorashada uu asteeyay goobaha lagu qabandoono doorashooyinka qof iyo cod ee ay dowladda qorsheysanayso.
Halkaan hoose ka akhriso