Maxamed Xuseen Rooble, Ra’iisal Wasaaraha Somaliya ayaa maanta sheegay in uu safaro ku soo kala bixin doono Magaalooyinka Garoowe, Gaalkacyo, Dhuusamareeb iyo Kismaayo.
Ra’iisal Wasaaraha Somaliya oo ka hadlayay Shirka Somaliya iyo Saaxiibada Caalamka ayaa muujiyay in socdaalkiisu uu la xiriiro arrimaha doorashooyinka ee dalka.
“Safarkeyga ayaa hadda ku wajahan sidaan ku heshiinay Madaxweyne Deni inaan ku gaaro Garoowe, haddii Alle idlmo, oo aan kala hadlo arrimaha doorashooyinka. Sidoo kale aan soo maro Gaalkacyo, aan ku xijiyo Dhuusamareeb, ka dibna Madaxweyne Axmed Madoobe waxaan ku heshiinay marka uu ku soo noqdo Kismaayo inaan toos u aado halkaa, isaga ayaana uga fadhiyaa.” Ayuu yiri Rooble.
Madaxda Dowlad Goboleedyada qaarkood ayaa muuqaalka foggaan aragga uga qaybgalay shirkaasi, waxaana khudbado ka jeediyay Madaxwene-yaasha Jubbaland iyo Puntland.
Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), Madaxweynaha Jubbaland ayaa shirka ka sheegay inaanay wax doorasho ahi ka dhici doonin Gobolka Gedo, illaa iyo inta gacanta Jubbaland dib looga soo celinayo gobolkaasi.
Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa isna ku baaqay in Dowladda Federaalka ay Gobolka Gedo ku wareejiso Maamulka Jubbaland, si Jubbaland u maamusho doorashada Golaha Shacabka ee lagu qabanayo Magaalada Garbahaarey.