
Shirar saacado badan qaatay oo shalay illaa xalay ku dhex maray Xarunta Madaxtooyada Villa Soomaaliya Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweynayaasha dowlad goboleedyada Galmudug, Koofur Galbeed iyo Hirshabelle ayaa looga hadlay xaalada doorashada iyo xal u helida muranka ka jira hirgelinta heshiiskii doorashooyinka.
Wararka aya ahseegaya in shirkii u horreeyay oo dhex maray Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxda saddexda dowlad goboleed uu ku soo biiray Taliyaha Nabadsugida Fahad Yaasiin, waxaana Madaxda isla qaateen in horay loo socdo oo doorasho la aado.
Sidoo kale waxaa iyana jiray shir xalay saqdii dhexe ka dhacay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo u dhaxeeyay Ra’iisul Wasaare Rooble, Madaxweynayaasha dowlad goboleedyada Galmudug, Koofur Galbeed, Hirshabeelle iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.
Shirkan ayaa iyana looga hadlay arrimaha doorashada iyo sidii doorashada loo bilaabi lahaa.
Ra’iisul Wasaaraha iyo Madaxweynaha Galmudug ayaa xalay saqdii dhexe shir jaraa’id qabtay, inkastoo aan weli la baahin shirka jaraa’id ayaa warar ku dhow dhow waxay sheegayaan in Madaxweyne Qoorqoor uu sheegay in waan waan uu ka dhex waday Madaxda dowladda Federaalka iyo Madaxweynayaasha dowlad Goboleedyada Jubbaland iyo Puntland, isla markaana farriin ay u soo dhiibeen Madaxweynayaasha u gudbiyay Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha ayna ka aqbaleen, balse markii uu dib ugu celiyay Madaxda Puntland iyo Jubbaland uusan wax jawaab ah ka gelin, wixii hadda ka dambeeya howsha sii socon doono oo doorasho la aadayo.
Arrimahan soo cusboonaaday ayaa waxay muujinayaan in weli aan xal la gaarin, waxaana meesha ka baxaya hadal heyn iyo warar maalmihii la soo dhaafay soo baxayay oo ahaa in xal la gaaray.