Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Hiiraan, Cali Jeyte Cismaan ayaa Ciidanka Liyuu Boolis ee Dowlad Deegaanka Soomaalida ku eedeeyay in ay afduub ka gaysteen gobolkaasi.
Gudoomiyaha ayaa sheegay dad isugu jiray shacab iyo ciidan in ay Ciidanka Liyuu Boolis ka qafaasheen inta u dhaxeyso deegaanada Xudey iyo Wagle ee Gobolka Hiiraan.
“Dad isugu jira shacab iyo ciidan ayay si afduub ah uga qabsadeen inta u dhaxeyso Xuday iyo Wagle, sifo sharci darro ah ayayna ku haystan, mana jirto cid nagala hadashay arrintaas oo nagala xajootay.” Ayuu yiri Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan.
Gudoomiyaha oo Warbaahinta kula hadlay deegaanka Feerfeer ayaa tibaaxay in ay joogto noqotay dhibaatooyinka ay Ciidanka Liyuu Boolis ku hayaan shacabka ku dhaqan xuduudda labada dal, gaar ahaan qaybta gobolkaasi.
Gudoomiye Jeyte ayaa qeexay inaanay indhaha ka laaban doonin dhibaateynta Liyuu Boolis ee dadka deegaanka, isla-markaana ay arrintaasi keeni doonto cawaaqib xumo daran.
“Waxayna arrintaasi dhalineysaa cawaqiib xumo daran.” Ayuu yiri Cali Jeyte Cismaan, Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Hiiraan.
Xadka uu Gobolka Hiiraan la leeyahay Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya waxaa marar kala duwan ka dhacay isku dhacyo u dhaxeeyay Ciidanka Liyuu Boolis iyo dadka deegaanka.
Gudoomiye Jeyte oo Liyuu Boolis ku eedeeyay in afduub ka gaysteen Gobalka hiiraan
previous post