Wasiirka Difaaca Dowladda Britain ayaa faahfaahin ka bixiyay howlaha ay ka wadaan gudaha dalka Soomaaliya, gaar ahaan arrimaha amniga iyo tababarada ciidamada Dowladda ku sugan gobollada Koonfurta dalka Soomaaliya.
Isagoo ka hadlayay doorka dowladda UK ee ku aadan tababarada ciidamada ayuu sheegay in dufcadii u dambeysay oo dhameystay tababar ciidan uga socdo magaalada Baydhaba, kuwaasi oo tiradoodu gaareyso ilaa 500-askari.
Dufcadan ugu dambeysa ee ciidamada tababarka dhameystay ayuu sheegay Mr. Forces James inay ka qeyb qaadanayaan amniga guud ee dalka iyo la dagaalanka kooxaha argagixisada ah.
โBritain waxaa ka goโan inay Soomaaliya ka caawiso sugida amniga iyo xasilloonida dalkeedaโ ayuu yiri Forces James oo sidoo kale hoosta ka xariiqay in ciidamadaasi ay door lixaad leh ka qaadanayaan kooxaha argagixisada ah ee halista ku ah dalka gudihiisa iyo dibadiisa.
Dhinaca kale dowladda UK ayaa shaaca ka qaaday guud ahaan tirada ciidamada ay u tababartay dowladda federaalka Soomaaliya, kuwaasi oo tiradoodu gaareyso ilaa 11.3 askari.