Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax xoogan oo ka dhacay Gobolka Shabeellaha Hoose, kaasi oo lala eegtay kolonyo ay la socdeen Guddoomiyaha Gobolkaas C/qaadir Maxamed Nuur Siidii iyo Saraakiil Ciidan oo isugu jira Soomaali iyo Ajaanib.
Qaraxaas ayaa waxaa kolonyada uu ku qabsaday deegaan lagu magacaabo Tixsiile oo ku yaalla wadada xiriirsa degmada Afgooye iyo Walna-weyn, waxaana dadka deegaankaas iyo meelo ku dhow ay maqleen jugta qaraxaas oo ahaa mid xoog leh.
Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay qaraxaas oo soo gaaray Saraakiil Ciidan, waxaana halkaas ku geeriyooday Afar Askari iyo laba Sarkaal oo lagu tilmaamay inay ahaayeen kuwo Cadaan, halka Ciidan badan ay dhaawacyo kala duwan soo gaareen.
Dhaawcyada Saraakiisha oo wararka qaarkood ay sheegayaan inuu yahay Taliyaha Ciidanka DANAB ayaa waxaa diyaarad nooca helicopter-ka ah looga soo daad-gureeyay goobta, waxaana lagu geeyay degmada Afgooye.
Wararka ayaa intaas kusii daraya in uu weli socdo dagaal u dhexeeya Ciidanka Dowladda Federaalka iyo Al-shabaab oo la isku adeegsado hubka noocyadiisa kala duwan, waxaana adeg in dagaalkaas faah faahin laga helo.
Dad la hadlay Idaacadda Dalsan ayaa u sheegay in qaraxaas uu ka badbaaday Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose Cabduqaadier Maxamed Nuur Siidii iyo Mas’uuliyiin kale, iyagoona gaaray degmadan Wanla-weyn oo markii horey u socdeen.
Weli ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Maamulka Gobolka iyo Saraakiisha Ciidanka dowladda Federaalka oo ku aadan weerarkii Mas’uuliyiinta lagula beegsaday Tixsiile ee kusii jeeday Wanla-weyn oo maalmihii lasoo dhaafay xiisad colaadeed ka jirtay.