Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa 4-ta bishan March martigelinaya munaasabad lagu dhammeystirayo dadaalkii iyo wadahadalladii la xiriiray hirgelinta doorashooyinka dalka ee u dhexeeyey Dowladda Federaalka Soomaaliya, Dowlad Goboleedyada iyo Maamulka Gobolka Banaadir.
Kulankan oo hal maalin soconaya wuxuu ku qabsoomayaa Magaalada Muqdisho, waxaana looga gol leeyahay in lagu soo geba-gabeeyo talooyinkii Guddiga Farsamada Doorashada ee ka soo baxay shirkii Baydhabo 15-16 February 2021, kaas oo xal looga gaaray tabashooyinkii ka soo laabtay heshiiskii doorashooyinka ee 17-kii September 2020.
Dowladda Federaalka Somaliya waxay ahmiyad wayn siinaysaa hirgelinta doorasho hufan oo jawi nabdoon ku qabsoonta.
-DHAMMAAD-