Guddigii qaban qaabada bannaan baxa Sabtida ee ka kala socda dowladda iyo Musharaxiinta oo galabta shir ku yeeshay Hotelka Decale ayaa shirkooda u horreeyay natiijo la’aan ku dhamaaday.
Ilo ku dhow dhow shirka ayaa sheegaya in xubnaha ka socda dowladda ay dalbadeen in goobta bannaan baxa lagu qabanayo la bedelo oo ahaa Daljirka Dahsoon.
Xubnaha ka socday Midowga Musharaxiinta ayaa ku adkeystay in bannaan baxa aan goobta laga bedeli karin, gaar ahaan in Daljirka Dahsoon ay muddo dheer iclaamiyeen, sidaas darteed xilligan aan suura gal aheyn inay goobta bedelaan.
Xubnaha shirka joogay ee Guddiga labada dhinac ayaa kala ahaa:
1- Wasiirka Amniga Xasan Xundubey
2- Duqa Muqdisho Cumar Filish
3- Musharax Madaxweyne C/raxmaan C/shakuur
3- Musharax Madaxweyne Mustafa Dhuxulow
Waxaa shirka ka maqnaa Musharax Madaxweyne Dahir Geele iyo C/raxmaan Al Cadaala Wasiir kuxigeenka Warfaafinta oo labada ka mid ahaa Guddiga, balse safar ku maqan.
Banaanbaxa ayaa la qorsheeyay in uu ka dhaco Muqdisho 6da bishan,hase yeeshee waxaa soo baxaya shaki ku saabsan sida uu banaanbaxan u qabsoomi karo maadaama labada dhinac ay qorshayaal kala duwan oo is diidan ay wataan.