
Magaalada Muqdisho ayaa waxaa goordhow ka ambabaxay Guddiga dowladda Federaalka Soomaaliya u matalaya dhageysiga kiiska Dacwada badda ee taalla Maxkamadda Cadaaladda Adduunka ee ICJ, iyagoona kusii jeeda dalka Holland.
Guddiga ka socda dowladda ayaa waxaa hoggaaminayo sii-hayaha xilka Raβiisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Mahdi Maxamed Guuleed Khadar, waxaana qeyb ah Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka iyo xubno kale, waxaana Garoonka kusii sagootiyay Masβuuliyiin kala duwan.
Mahdi Guuleed oo warbaahinta la hadlay ayaa waxaa uu sheegay in kiiska Dacwada Badda ee u dhexeeysa Somaaliya iyo Kenya dhowr jeer dib loo dhigay, ka gadaal markii ay codsatay Kenya, hayeeshee haatan loo diyaar garooway dhageysiga Dacwada.
Waxaa uu sheegay in Maxkamadda Cadaaladda Adduunka ee ICJ ay Goβaan kama dambeysay ah ku gaartay in dhageysiga Dacwada Badda la bilaabayo 15-ka Bishaan Maarso ilaa iyo 19-ka bishaan.
Dowladda Federaalka ayuu Raβiisul Wasaare ku-xigeenka sheegay inay diyaar u tahaya ka qeyb galka dhageysiga Dacwada badda ee kala dhexeeysa Kenya, isla markaana Maanta ay u dhoofayaan Magaalada The Hague ee dalka Holland.
Dowladda Kenya ayaa Maxkamadda ICJ ka dalbatay in muddo saddex jeer in dib loo dhigo dhageysiga kiiska Dacwada badda ee kala dhxeeeysa Soomaaliya, hayeeshee Maxkamadda ayaa goβaan ku gaartay in 15-ka bishaan la bilaabayo dhageysiga Dacwada.