Wakiilka Midowga Yurub ee Somaliya, Amb. Nicolas Berlanga ayaa caawa Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ku booqday hoyga uu ka degan yahay Magaalada Muqdisho.
War ka soo baxay Madaxtooyada Jubbaland ayaa lagu sheegay in kulankan uu qayb ka yahay kulamo xiriir ah, oo Madaxweynuhu la qaadanayay Wakiilada Beesha Caalamka iyo Danleyda Siyaasadda Dalka.
“Madaxweynaha Dowlada Jubbaland, Mudane Axmed Maxamed ayaa caawa kulan la qaatay Wakiilka Midowga Yurub ee Somaliya Nicolas Berlanga. Kulankan ayaa qayb ka ah kulamo xiriir ah oo Madaxweynahu uu la yeelanayo Wakiilada Beesha Caalamka iyo Saamilayda Siyaasadda Dalka.” Ayaa lagu yiri warka.
Madaxweynaha Jubbaland oo gelinkii dambe ee Talaadadii soo gaaray Magaalada Muqdisho ayaa ka wada kulamo ku qotoma arrimaha doorashooyinka ee dalka, kuwaa oo horudhac u ah shirka wadatashiga qaran ee Madaxda Dowladda Federaalka, Dowlad Goboleedyada iyo Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ku yeelanayaan Caasimadda Muqdisho.
Beesha Caalamka ayaa juhdi ku bixineysa in laga gudbo caqabadaha raggaadiyay doorashooyinka, si dalka doorasho u aado.