Wasaaradda Caafimaadka Somaliya ayaa caawa ka warbixisay xaaladihii ugu dambeeyay xanuunsidaha COVID-19 ee dalka laga diiwaangeliyay, afar iyo labaatankii saac ee ugu dambeysay.
Dalka oo dhan waxaa xanuunka laga baaray 1,117 qof, waxaana laga helay 107 qof, sida lagu sheegay warbixinta maalinlaha ee Wasaaradda Caafimaadka.
Si ka duwan sidii hore waxaa markaan xaaladaha ugu badan laga diiwaangeliyay Somaliland, halka markii hore laga diiwaangelin jiray Gobolka Banaadir, tan iyo markii xanuunka uu dalka dib ugu soo laba kacleeyay.
39 xaaladood ayaa laga diiwaangeliyay Somalialnd, 26 kiis Gobolka Banaadir, iyadoo 21 kiis laga diiwaangeliyay Koonfur Galbeed, waxaana Hirshabelle laga diiwaangeliyay 11 kiis, Jubbaland 9 kiis, halka 1 xaalad laga diiwaangeliyay Galmudug.
61 ka mid ah dadka xanuunka laga helay waa rag, halka 46 kalena ay haween yihiin, waxaana xanuunka ka bogsaday 25 qof.
Sidoo kale dalka ayaa laga diiwaangeliyay 11 xaaladood oo dhimasho ah, kuwaa oo 8 ka mid ah laga diiwaangeliyay Gobolka Banaadir, halka min 1 xaalad laga diiwaangeliyay Koonfur Galbeed, Hirshabelle iyo Somaliland.
Tirada guud xaaladaha xanuunka ee dalka laga diiwaangeliyay ayaa ah 8,820 xaaladood, iyadoo tirada guud ee ka bogsatay ay tahay 4,079 qof, waxaana xanuunka dalka ugu geeriyooday 338 qof.