Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa soo dhaweeyay go’aankii kasoo baxay Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble.
Qoraal lagu soo daabacay bogga Madaxtooyada Koonfur Galbeed ayaa lagu taliyay in dib loogu noqdo wadahadaladii doorashooyinka si waafaqsan heshiiskii 17kii Sebteembar 2020 iyo talo-soojeedintii kasoo baxday wadatashigii Guddigii Farsamada ay ku yeeshaan magaalada Baydhabo 16kii Febraayo 2021.
Sidoo kale Koofurgalbeed ayaa soo jeedisay in laga fogaado wax walba oo dhaawici kara midnimada, wadajirka iyo nabadgalyada dalka, lagana fogaado siyaasadeynta iyo kala qeybinta Ciidamada Qalabka Sida iyo in madaxda Dowladda Federaalka iyo Dowladaha Xubnaha ka Ah ay si wadajir ah uga wada shaqeeyaan xasilloonida iyo geeddi socodka dowlad dhiska Soomaaliya.
Ugu dambeyntii Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya wuxuu u mahadceliyay Beesha Caalamka iyo saaxibada kale ee Soomaaliya taageerada ay la garab taagan yihiin shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed.