Maamulada Puntland iyo Jubbaland waxay soo dhaweynayeen Warmurtiyeedyada ay soo saareen Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladaha Galmudug iyo Hirshabelle ee xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Waxaa kaloo ay sheegeen in ay ka xun yihiin dhacdooyinka amni darro ee ka dhacay magaalada Mogadishu maalmihii la soo dhaafay, waxayna uga tacsiyeynayeen cid kasta oo waxyeelo ka soo gaartay, waxayna sidoo kale guud ahaan ciidamada amniga ugu baaqeysaa in ay illaaliyaan amniga iyo xasiloonida Dalka.
Puntland iyo Jubbaland waxay ugu baaqeen dhammaan qaybaha ay quseyso in dib loogu soo laabto wada hadaladii si heshiis looga gaaro fulinta heshiiskii 17 September 2020, loona qabto doorasho ku dhacda si nabad ah, wadar oggolna ah.