Ciidamo ka tirsan kuwa Nabadsugida Soomaaliya ayaa saacadihii la soo dhaafay waxaa ay howlgallo kala duwan ka sameeyeen degaano iyo degmooyin ka tirsan Gobolka Gedo, kaas oo la sheegay in Amniga lagu xaqiijinyay.
Ciidamada oo wata Gaadiidka dagaalka noocyadiisa kala duwan ayaa waxaa ay howlgalka ka sameeyeen degaannada kala ah, Qaniyaale, Caanoqumboow, Sariira, iyo degaano kale oo hoostaga degmooyinka Beled-Xaawo & Doolow, halkaas oo la sheegay in mararka qaar ay tagaan xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab.
Howgalka waxaa hoggaminaya Taliyaha Howlgelinta degaannada Jubaland, Bakaal Kooke iyo Taliyaha NISA Ee Degmada Doolow Cabdullaahi Cumar, waxaana ay sheegeen in u jeedka howlgalka uu ahaa inay degaannadaas ka saaraan Ururka Al-Shabaab.
Taliyaha Howlgelinta degaannada Jubaland, Bakaal Kooke ayaa sheegay in Ciidamada howlgallada ay sii wadi doonaan ilaa ay ka xaqiijinayaan amniga degaanada howlgalka laga sameeyay oo mararka qaar ay tagaan Xubno ka tirsan Al-Shabaab.
Degaano iyo degmooyin ka tirsan Gobolka Gedo o ay dowladda Soomaaliya Ciidamo farabadna geeysay ayaa waxaa Ciidamada ay sameeyaan howlgallo kala duwan, iyada oo mararka qaar weeraro kala kulma Xubno ka tirsan Al-Shabaab.