Xafiiska Qaramada Midoobey ee Somaliya (UNSOM) ayaa ugu baaqay Ra’iisal Wasaaraha Somaliya, Maxamed Xuseen Rooble iyo Madaxda Dowlad Goboleedyada inay tanaasul iyo is afgarad ka gaaraan arrimaha doorashooyinka ee dalka, si dalka uu horey ugu socdo.
Qoraal ka soo baxay Xafiiska UNSOM ayaa lagu sheegay in Ra’iisal Wasaaraha iyo Madaxda Dowlad Goboleedyada ay kalsooni buuxdo ka haystaan Qaramada Midoobey.
Qoraalka ayaa lagu yiri “Tanaasul iyo is afgarad ayaa loo baahan yahay si Somaliya ay horey ugu socoto, iyadoo ay dan u tahay dhammaan dadka Soomaaliyeed.
Ra’iisal Wasaare Maxamed Xuseen Rooble iyo Madaxda kale ee Soomaaliyeed waxay taageero weyn ka haystaan Qaramada Midoobey, si loogu guuleysto Shirka Wadatashiga Qaran, ee ay hoggaaminayso Soomaalida ee looga hadlayo doorashooyinka.
Qaramada Midoobay ee Somaliya waxaa sharaf u ah in ay la kulantay Ra’iisal Wasaare Rooble iyo Dowlad Goboleedyada Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka, maalmihii la soo dhaafay.
Waxaan ku dhiirigelinay dhammaan Hoggaamiyeyaasha Soomaaliyeed inay si daacadnimo leh uga qaybgalaan shirka Muqdisho ka dhacaya, si dhakhso lehna heshiis looga gaaro hirgelinta doorashooyinka.”