Madaxweynaha Zambia Edgar Lungu ayaa u xaqiijiyey muwaadiniinta dalkiisa inuu caafimaa qabo kadib markii uu istaaga ka dhacay.
Madaxweynaha ayaa ka qeyb galayey xaflad loo sameynayey ciidanka dalkiisa shalay caasimadda Luzaka, waxaa lasoo darsey markii uu dhacayey tabaryari iyo wareer.
Xoghayaha golaha wasiirada Simon Miti, ayaa soo saarey war uu ku sheegay in madaxweynuhu caafimaadkiisu wanaagsan yahay, uuna gutey hawshii qaran ee uu hayey.
Dr Miti ayaa sheegay in Madaxweyne Lungu uu markiiba kasoo kabtey wixii ku dhacey.
Sidan oo kale ayey madaxweynuhu lasoo daristey sanadkii2005-tii, iyadoo taasi lagu macneeyey mid katimid dhanka hunguriga.
Madaxweyne Lungu ayaa doonaya in mar kale dib loo doorto doorashada ka dhacdo 12-ka bisha August ee sanadkan.